DHAGEYSO:Gudiga dib u heshiisiinta galmudug oo ku baaqay inaan shir weynahaas la siyaasadayn.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalmahaan socdaal ku marayay deegaannada Maamulkaas, ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada dhuusamareeb ee xarunta gobolka Mudug waxayna ka hadleen fariintii ay gaadhsiiyeen bulshoooyinkii ay booqashada ugu Tageen.
Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada ay shabaabku haystaan ee Galmudug.
masuuliyiinta guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo odayaasha dhaqanka inaan la siyaasadeyn gogosha dib u heshiisiinta, beeluhuna ay kasoo wada qayb galaan gogosha Nabadeed ee taala Magaalada Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulamo wadatashi iyo fariin gaarsiin ah la qaatay bulshada ku nool deegaannada ay socdaalka kusoo mareen.

Gwaxayna socdaal ku tegeenXeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado.
Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo August 05/2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here