DHAGEYSO:Gudiga dib u Heshiisiinta Galmudug oo shaqooyinkooda bilaabay.

Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay inay bilaabeen tallaabooyinkii ugu horeeyay ee ku aadan shirka dib u heshiisiinta oo la filayo inuu bilaawdo 5-ta Bisha Agoosto ee sanadkaan.
Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Baadiyoow) ayaa sheegay in Afartii maalmood ee la soo dhaafay ay qabteen Shaqooyin adag,isla markaan aay go’aamiyeen in shirkaasi uu furmo horaanta Bisha Agoosto ee fooda inagu soo haysa.
Waxa uu xusay in shirkaasi ay ka qeyb geli doonaan 356 Ergo ah oo Dhammaan Matalaya Beelaha daga deegaanada maamulka Galmudug,isla markaana diirada lagu saari doono dib u heshiisiin Siyaasadeed maadaama dadka Reer Galmudug qaarkood siyaasada isku khilaafsan yihiin.
Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Baadiyoow) oo wareysi siinayay Idaacadda Voa-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa wax laga weeydiiyay Beeelaha qaar ee qaadacay ka qeyb galka shirka wuxuuna sheegay in guddigooda uu isku dayayo inay beelaha qanciyaan,isagoo ugu baaqay inay shirkasi kasoo qeyb galaan si ay u xaliyaan mad madowga ka dhex jira.

 

Dadka ku nool deegaanada maamulka Galmudug ayaa qaarkood isku khilaafsan arimo siyaasi ah dowlada dhexe ee Soomaaliya ayaana hada dadaal badan ku bixinaysa in xal buuxa laga gaaro dhamaan waxa khilaaf ah eek a dhex jira dadka deegaanka.
Ra’isulwasaaraha Soomaalliya Xassan Cali Khayre ayaa Galmudug ku sugan mudo Bil Ka badan wuxuuna dadka deegaanka ku qancinayaa inay ka heshiiyaan mad madowga dhexdooda ah ayna dhistaan Galmudug cusub oo loo dhan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here