DHAGEYSO:Gudiga doorashada Galmudug oo dhuusamareeb gaadhay.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda gobolka Galmudug waxaa Maanta gaaray Xubnaha Guddiga farsamadaha iyo dhismaha Galmudug oo ay dhawaan Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedralka iyo dib u heshiisiinta dowlada Soomaaliya.
Guddiga oo ka kooban 13 Xubnood ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug,waxaana la geeyey Xarunta Shiirkole ee howlaha doorashooyinka lagu qabanayo.
Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay bilaabi doonaan kulamo ay la qaadanayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaanada maamulka Galmudug iyo Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha Soomaaliya oo isna ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.
Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa horay u diiday hoggaanka Ahlusunna oo Magacaabey dhankooda Guddi kale iyo qaar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug,balse aan weli la ogeyn sida ay uga Shaqeyn doonaan Magaalada Dhuusamareeb.
Taliska Ciidamada Booliska magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa dhankooda waxay ka warbixiyeen howlaha amaanka iyo Nabad Galyada ka jirta deegaanada maamulkaasi qaar ahaan Magaalada Dhuusamareeb.
Sidoo kale Taliska Booliska Magaalada dhuusamareeb ayaa waxaay soo saareen qorsho lagu sugayo amniga Magaaladaas inta ay halkaasi ka socdaan howlaha la xiriira doorashooyinka Galmudug.
Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Dhuusamareeb ahna Taliyaha Ciidanka Xasilinta Magaaladaasi Cabdullaahi Xasan Macalin ayaa sheegay in mar walba ay wadan howlgallo lagu sugayo Amniga dhuusamareeb.
Waxaa uu sheegay in amaanka Magaalada Dhuusamareeb uu yahay mid la isku haleyn karo,isla markaan ay kordhinayaan inta ay socdaan doorashooyinka Galmudug.
Ugu dambeyn Bulshada ayuu ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga Guud ahaan Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada hoostaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here