DHAGEYSO:Gudiga doorashooyinka Soomaaliya oo sheegay inaysan jiri doonin wax mudo Kororsi ah oo ay Sameeynayaan madaxda Soomaaliya.

Gudoomiye Gudiga Doorrshooyinka Qaranka Soomaaliy Xaliima Ismaaciil Xaliima yareey oo la hadlaysay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegtay inaysan jirin wax qorshe ah oo la xiriira inay mudo kororsi Samaynayaan Madaxda Dalka Soomaaliya Taladiisa hada haysa sidoo kalena ay doorashadu ku dhici doonto Xiligii loogu tala Galay.
Xaliima Yareeya ayaa Tilmaamtay inaysan Suuro Gal ahan mudo Kororsi ay sameeyaan Madaxda Qaranka Soomaaliya yadoo Doorashada dib loo dhigayo.
Gudoomiye Gudiga Doorrshooyinka Qaranka Soomaaliy Xaliima Ismaaciil Xaliima yareey ayaa sidoo kale Ka hadashay gudig ka kooban 15 xubnood oo KMG ah uuna Shalay Magacaabay Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya maxamed Mursal Sh C/raxmaan kuwaasoo diyaarinaya sharciga doorashooyinka Soomaaliya.
Xaliima yareey ayaa sheegtay inay gudigaan yihiin Gudi caadi ah oo la mid ah gudiyada kale aysana la micno ahayn in 15-Kaas xubnood lagu doonayo inay mudada kororsadaan Madaxda Sare ee dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here