DHAGEYSO:Gudiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo diyaariyay dhamaan agabyadii shirka.

100

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Shir weynaha dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Baadiyoow) ayaa sheegay in Guddiga ay diyaariyeen dhamaan waxyaabihii muhiimka u ahaa qabsoomida shirkaas.
Waxaa uu Tilmaamay in dhinacyada,hoolka shirka, Agabka la isticmaalayo, iyo amniga intaba la diyaariyay,isla markaana kaliya ay harsan tahay in shirkaasi uu bilowdo 17 Bishaan oo ku beegan Sabtida Berri ah.
Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray in dhamaan ay soo gaareen liiska ergada Beelaha dega deegaannada maamulka Galmudug uga qyeb galaya Shirka dib u heshiisiinta Galmudug, hayeeshee kaliya ay harsan tahay in dadkaasi la soo daabulo lana keeno magalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Hadalka Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Baadiyoow) ayaa kusoo aadaya xilli shalay mid ka mid ah Beelaha dega Galmudug ay dalbadeen in shirka dib loo dhigo ilaa inta uu ka dhamaanayo shir uga socdo degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here