DHAGEYSO:Gudiga Qaban qaadabada sanad Guurada Lixdanaad ee Xoriyada Soomaaliya oo kulanyeeshay.

Guddiga qaban-qaabada xuska 60 guurada xorriyadda Soomaaliya ee dhawaan uu magacaabay Ra’iuslwasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa maanta waxay yeeshay kulankoodii ugu horeeyay.
Guddoomiyaha guddiga ahna wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Casbdi Xayir {Maareeye} ayaa ka warbixiyay kulanka iyo waxyaabihii looga hadlay.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay inay kulankoodaan soo dadajiyeen maadaama Sanad guurada xoriyada Soomaaliya ee Sanadkaan 2020-ka ay leedahay Calaamado amaba astaamo waa weyn oo qaranimada muhiim u ah.
Wasiirka ayaa sheegay inuu sanadkaan yahay sanadkii Guusha,dib u soo kabashada iyo Hormarkii Soomaaliya gaadhay kadib Xoriyadeedka oo hada Lixdan Jirsatay.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in sanadkaan munaasabadaha 60 –guurada xoriyada ay ka dhici doonto dhamaan degmooyinka dalka, sidoo kalena ciidamada qaranku intaas ka hor guud ahaan dalka Xorayn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here