DHAGEYSO:Gudigga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo muddo kordhin sameeyey

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa ay shaaciyeen in muddo lagu daray waqtiga loo asteeyey is diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Galmudug,iyaga oo soo bandhigey Musharixiinta qaatay Shahaadada musharaxnimada Galmudug kuwaas oo kala ah.
Musharax Madaxwayne Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor),Musharax Madaxwayne Cabdiraxman Axmed Sabriye.,Musharax Madaxwayne Galmudug Axmed shire Maxamed (falagle) iyo Musharax Madaxwayne Axmed Cabdullaahi Samatar,sidoo kale ay isdiiwaan geliyeen 5 Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Xuseen Tahliin(Calool Geel) ayaa sheegay in waqtiga isdiiwaan gelinta ay shalay ku ekeyd balse ay gaarsiiyeen ilaa 2:00 Duhurnimo ee maanta.
Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in doorashada Madaxtinimada Galmudug ay ku dhaceyso waqtiga loo asteeyey oo ah 30-ka Bishaan Janaayo sanadka 2020.

Si kastaba ha ahaate , ilaa Afar Musharax oo isbaheysi sameystay ayaa waxaa ay shaaciyeen in ilaa 5 Shuruudood oo ay soo bandhigeen aan la fulin awgeed aysan ka qeyb galeyn doorashada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here