DHAGEYSO:Gudoomiya gobolka Banaadir oo daahfuray ilayska Cadeeda ku shaqeeya oo laga Hirgaliyay agagaarka Liido.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng: C/raxmaan Cusmaan Yariisow iyo gudoomiyaha degmada C/casiis ayaa Xalay goobjoog ka ahaa munasabad lagu daah-furayay layrarka ku shaqeeya ileyska cad-ceedda oo dhawaan laga galiyay waddo laami ah oo tagta xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha degmada C/casiis ayaa sheegtay inay soo dhawaynayaan Hirgalinta layrarkaan wadada laamiga ah ee dhawaan la dhisay waxaana ay fartay dadka deegaanka inay ilaashadaan kana shaqeeyaan hagaajinta bilicda Magaalada
Dhinaca kalana guddoomiyha gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ku howlanyhiin soocelinta bilicda maagaalada lana qurxinayo dhamaan magaalada,isagoo intaas sii raaciyay inuu u mahadcelinayo shacabka degmada C/casiis iyo maamulka oo arrintaan ka shaqeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here