DHAGEYSO:Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo eedaymo loo jeediyay.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas Sheekh Abuukar Cali Xasan (Maqaneey) ayaa Eedeyn u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.
Shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe ayuu ku sheegay in Guddoomiye Cusmaan Barre uu si sharci darro ah ku hakiyay kulamadii Baarlamaanka Hirshabeele uusana ka soo bixin shaqooyinkii loo igmada sida uu hadalkiisa u dhigay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddoomiye Cusmaan Barre Maxamed oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya uu halkaas u joogo waxa uu ku Tilmaamay dhoolatus Siyaasadeed.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barri Maxamed ayaa haatan ku sugan Magalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya,waxaana ilaa iyo hadda uusan ka jawaabin eedeyn dhowr mar loo jeediyay oo ku aadanaa inuusan kulamada baarlamaanka imaanin,inuu baarlamaanka xiray isagoo ka maqan iyo waxyaabo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here