DHAGEYSO:Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeeray qaybo Muqdisho ka mid ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) iyo Xubno la socday ayaa xalay waxay kormeereen qaybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa mid loogu kuur galayay xaalada guud ee Degmooyinka ee dhinaca Amniga iyo bandoowga Habeenkii saaran Caasimadda sida uu u dhaqangalay.
Duqa Muqdisho oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in goobo badan oo ay soo mareen soo indha indheeyeen sida uu u dhaqan galay Bandowga,balse sidii la rabay uusan u dhaqan gelin sidoo kale Nadaafada ay soo eegayaan xaafadaha dagmooyinka qaarkood.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xusay in meelaha qaar ee ay dadku isugu imaan jireen uu Bandowga ka dhaqan galay,balse ay jiraan dad bandowga jebiyey oo uu arkayay Goobo dadka isugu yimaadeen iyo bajaajyada qaarkood oo Shaqeynaya.
Guddoomiye Cumar Filish waxaa uu cadeeyey in Bandowga ay dowladda Soomaaliya khafiifisay,balse taasi micnaheedu aysan aheyn in la joojiyey,wuxuuna Shacabka ugu baaqay inay qaataan talooyinka looga hortagayo faafintaanka COVID19.

Duqa Magaalada Muqdisho wuxuu sidoo kale Kormeer ku dagay wadada buulo-xuubeey ee degmada WadaJir wuxuuna halkaas kula kulmay maamulka degmada Wada Jir oo halkaas ka Samaynayay howlo dhanka Nadaafada ah ah.
Gudoomiyaha degmada wadajir C/raxmaan Maxamed Macalin Ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan booqashada kadiska ah ee uu duqa Caasimadu ugu yimid saqdii dhexe ayadoo howlihii degmada ku guda Jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here