DHAGEYSO:Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Sheegay in amni darada dalka Ka jirta Musuqu keenay.

Ayadoo Malinimadii Shalay ay ahady markii  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo Saxiixay sharciga la dagaalanka Muqsuqmaasuqa ayuu Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamed Maxamuud Finish Wuxuu Sheegay in Falalka amaan Darada ah ee ka dhacaya dalka Soomaaliya ay qayb ka yihiin Musuqmaasuqa.
Cumar Finish ayaa sheegay inuusan musuqmaasuqu ahayn Kali ah dhaqaale si khaldan loo qaato balse uu qaybo badan leeyahay taasoo ay qayb ka tahay waxyaabo guud oo shaqsiyaad gaar ah ka macaashaan.
Qofka muwaadinka ah oo la handado ayadoo awdood loo sheegayo ayuu gudoomiyaha gobolka Banaadir sheegay inay Musuqmaasuqa qayb ka tahay,isagoo Tusaale u soo qaatay Al-shabaab oo uu sheegay in iyagoo awood istcmaalaya ay shacabka hantadaan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu Sabtigii Shalay ahaa Qalinka KU duugay sharciga lagu dhisayo gudiga Madaxa Banaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya,waxaana lagu wadaa in kadib marka gudigaas la soo dhiso uu wax badan ka qabto falalka wax isdabamarinta oo in badan la Tilmaamo inuu dalka Soomaaliya Dhibaato Badan ku hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here