DHAGEYSO:Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in dhalinyarada sahqooyn adag laga sugayo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu soo dhaweeyay taliye kuxigeenka Cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cismaan Cabdullaahi Kaniif ayaa ka hadlay habka madaxda Dowladda u maraan xilalka ay magacaabayaan.
Waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay xilalka u soo magacaabaan si ka duwan sidoo Hore maadaama uu sheegay in isaga iyo Saraakiil Ciidan oo badan ay yihiin dadk sida uu Tilmaamay laga sugayo waxyaabo badan ahna waxa uu ku Tilmaamay ciyaalka Xaafada uu kala jeedo dad Magaalada xog-ogaal u ah,hayeeshee uu rajeynayo inay doorkooda ka qaadaan doonaan raja weyna uu ka qabo inay la yimaadaan isbedel ka duwan madaxdii ka horeeysay.

 

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kusoo aadaya xilli Madaxda Dowladda Federaalka ay xilalkii ugu badnaa u Magacaabeen dad Dhalinyaro ah aqoonyahano ah kuwaasoo intooda badan laga sugayo inay la yimaadaan isbadal hogaamineed iyo shaqo hufan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here