DHAGEYSO:Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo baaq ka soo saaray xaalada Beledweyne

Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal farabadan ku bixiyey sidii looga hortegi lahaa fatahaada Wabiga Shabeelle,hayeeshee ay timid awood ka tan badan.
Waxaa uu sheegay in hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Gobolka Hiiraan looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo sidii looga hortegi lahaa Cudurka Coronavirus inuu dadkaasi ku dhex faafo.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waxa uu xusay in ka maamul ahaan ay weli diyaar u yihiin inay hay’adaha kala shaqeeyaan caawinta shacabka barakacay balse ay muhiim tahay in la caawiyo dadka ku barakacay fatahaada Magaalada Beledweyne.

Hadalka Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalin ka hor uu Hay’adaha samafalka ku eedeeyey inay qeyb ka yihiin fatahaada iyo dadka ka barakacaya Magaalada Beledweyne,isla markaana wax gargaar ah aysan gaarsiin karin dadka ku barakacay deegaanka Ceel-Jaale ilaa maamulkiisa lagala tashado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here