DHAGEYSO:Gudoomiyaha gobolka Hiraan oo eedaymo u jeediyay dadka ka barakacaya Magaalada Beledweyne

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in maalin walba uu arko boqolaal qoys ah oo ka barakacaya xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,iyadoo dhanka kalena sida uu sheegay aysan wax fatahaad ah Magaalada jirin.
Waxaa uu Tilmaamay in Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay dadku ku qaxayaan balse aan la ogeyn dadkaasi halka ka geyn doono,waxaana uu sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu xiray Goobihii uu wabiga ka fatihi jiray.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa intaasi ku daray in dad dano gaar ah leh oo aan Shacabka ka naxeyn ay barakicinayaan boqolaal qoysas ah oo ku noolaa magaalada Beledweyne Xaafadaheeda,wuxuuna Shacabka ugu baaqay inay qaxa joojiyaan oo aysan dhibtoon maadaama Maamulka Gobolka Hiiraan uu wado qrsho looga hortagayo fatahaada Wabiga shabeelle.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa markasta ka dhaca fatahaado uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara Gobolkaas,waxaana dadka ay u barakacaan deegaanka Ceel-jaale ee duleedka Koonfureed ee Magaalada Beledweyne halkaasoo ay biyaha uga badbaadaan.
Dhanka kale Maanta ayaa la filayaa in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ay tagaan Magaalada Beledweyne.
Wafdiga Madaxweyne Waare oo ay qeyb ka yihiin Xubno ka tirsan labada Gole ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa horay ugu sugnaa Magaalada Jowhar,waxaana qaban qaabada soo dhaweyntooda ay ka socotaa Magaalada Beledweyne.
Wararka la helayo halkaasi ayaa sheegaya in Madaxweyne Waare iyo Xubnaha labada Gole ee maamulkiisu ay kormeer ku tegi doonaan Goobaha Guddiga gurmadka iyo Maamulka degmada ay ka wadaan xeritaanka wabiga si looga hortago fatahaad uu sameeyo Wabiga waxaana lagu soo waramayaa inuu Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay ka jirta xaalad cabsi ah oo ku aadan fatahaad xoogan uu sameeyn karo wabiga taasoo keentay in dadka qaarkood ay bilaabeen barakaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here