DHAGEYSO:Gudoomiyaha gobolka Mudug oo booqday xarumo caafimaad

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Maamulka Galmudug C/raxmaan Cali Diiriye ayaa booqday Xarumaha Caafimaadka iyo kuwa waxbarashada ee ku yaala MagaalO Xeebeedka Hobyo si uu wax badan uga ogaado xaaladaha waxbarashada iyo Caafimaadka ee ka jira Magaalada Hobyo iyo deegaanada kale ee Hoos yimaada sidoo kalena wuxuu Booqday Madaxtooyada maamulka Galmudug ee Magaalada Hobyo.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Hobyo Maxamuud Cawaale ayaa gudoomiyaha gobolka Mudug uga warbixiyay Xaaladaha guud ee degmada Hobyo iyo deegaanada Hoos yimaada.

Maamulka Isbitaalka guud ee degmada Hobyo ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladaha Caafimaadka ee degmadaasi iyo shaqooyinka ay bulshada deegaanka u hayaan.

Gudoomiyaha gobolka Mudug C/raxmaan Cali Diiriye xarumaha waxbarashada ee Magaalada Hobyo booqday ayaa sidoo kale Ardayda ku booriyay inay Xoojiyaan Waxbarashooda maadaama ay yihiin Jiilkii umada hogaamin lahaa Mustaqbalka soo aadan,waxbarashaduna ay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee hormarka looga gaaro nolosha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here