DHAGEYSO:Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya oo sheegay inay dhacayso doorasho qof iyo cod ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa ugu horeyn si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimada iyo wax wada qabsiga ku dhisan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti gaar ahaan iskaashiga labada Baarlamaan.
Guddoomiyaha Golaha shacbiga Soomaaliya ayaa Sidoo kale ka hadlay mas’uuliyadda ka saaran qofka Xildhibaanka ah dalkiisa guud ahaan gaar ahaan deegaanka laga soo doortay oo ay tahay Marka uu fasaxa galo Inuu u kuur galo xaaladaha deegaankiisa ka jira si Warbixinta uu kasoo diyaariyo uu dib ugu soo celiyo Golaha Baarlamaanka.
Gudoomiye Mursak wuxuu tilmaamay in horumarka dal walba uu ku xiranyahay sida dadkiisu ay uga faa’ideystaan waxa uu Alle ku maneystay iyo sidoo kale maareeyntooda.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu kalfadhigii lasoo dhaafay ku guuleystay ansixinta shuruuc Dalka Muhiim u ah oo uu ka mid yahay sharciga Doorashooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyaddana uu saxiixay,isla markaana taasi ay suurtagelineyso in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here