DHAGEYSO:Gudoomiyaha gudiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay xiliga ay soogabagabaynayaa dib u eegista ay wadaan.

Gudoomiyaha gudiga dib u eegista dastuurka ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale qeybiid ayaa faah faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha dib u eegista dastuurka iyo waqtiga la soo geba-gabeynayo.
Waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay ku gudaha jiraan Shaqadooda dib u eegista Dastuurka iyo latashiyada ay ka sameynayaan,isla markaana uu rajeynayo in Bisha ugu dambeysa sanadkaan 2019 ay dhamaan soo geba-gabeyn doonaan cutubyada dastuurka loona gudbi doono Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa gole.
Gudoomiyaha gudiga dib u eegista dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale qeybiid ayaa sheegay in Wixii dib u dhac ah oo ku yimaada dib u eegista Dastuurka ay noqon doonta mid ay qaadanayaan gudiyada howshaan loo igmada ama madaxda qaranka.

 

Guddiyada loo xil saaray arrimaha la xiriira dib u eegista Dastuurka KMG ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay horay u shaaciyeen in sanadkaan 2019 la soo geba-gabeyn doono dib u eegista lagu sameynayo dastuurka,isla markaana Baarlamaanka Soomaaliya loo guddbin doono si uu ugu codeeyo meelmarintiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here