DHAGEYSO:Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Koonfur Galbeed oo la magacaabay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamul Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa lagu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulkaasi.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa Dr Axmed Cali Muuse wuxuu u magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha maamul Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa sheegay inay ka go’an tahay dib u habaynta waaxyaha Garsoorka ee maamulkiisa si shacabka deegaanku u helaan adeegyada ay kaga baahan yihiin waaxyaha Garsoorka.
Wuxuu sheegay madaxweyne Lafta Gageen inuu hada Socdo qorshe dib u habayn loogu samaynayo hay’adaha Garsoorka iyo Maxakamda deegaanada gobolada Bay,Bakool iyo shabeelada dhexe oo dhamaantooda Hoose taga maamulkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here