DHAGEYSO:Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka oo Ciidanka Sahay ku Taageeray

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa deeq Xoolo ah oo uu ugu talagalay ciidanka Xoogga ee dagaalka ku jira ku wareejiyay hogaanka Ciidamada dhulka.
Deeqdaan oo uu u wakiishay qaar ka mid ah odaasha dhaqanka ee Magaalada Marka ayaa waxay ku Wareejiyeen Taliyaha Ciidamada dhulka ee Xoogga Dalka SoomaaliyaGen C/xamiid Maxamed Dirir waxayna sheegeen inay markasta ku dadaalayaan Ciidamada ku howlan Xoraynta deegaanada ka tirsan Gobolka shabeelada Hoose ee shabaabku haystaan.
Odayaasha dhaqanka ee deegaanka ayaa ciidanka xoogga ku booriyay inay dhamaan deegaanada gobolka ka saaraan xubnaha shabaabka ee wali ku sugan

Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya Gen C/xamiid Maxamed Dirir ayaa dhankiisa sheegay inay gudoomiyaha uga mahadcelinayaan garab istaagiisa Ciidanka qalabka sida wallow ay ka sugayeen wax ka badan intay had aka heleen.
Taliyaha Ciidamada dhulka Soomaaliya Gen Dirir wuxuu Hoosta ka xariiqay inay dhawaan Gaari doonaan deegaanka Janaale ee gobolka shabeelada Hoose ayna ka saari doonaan xubnaha shabaabka.

Gobolka Hodanka ku ah waxsoo saarka Beeraha ee shabeelada Hoose ayaa waxaa deegaano badan oo ka mid ah gacanta ku haya dagaalameyaasha AL-shabaab waxaayna Ciidanka Xooggu hada wadaan diyaar garowgii ugu danbeeyay ee deegaanada Shabeelada Hoose ay kaga saari lahaayeen Al-shabaab.
Wararkii ugu daneebayay ee ka imaanaya Gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka ee ka howlgalaya Gobalkaas ay kaabiga ku haayaan Deegaanka Janaale ee Shabellaha Hoose oo Al-Shabaab saldhigyo waawayn ku leyihiin.
Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ku wajahan deegaanka Janaale ayaa xaqiijiyey in qorshaha Ciidanka Xooggu uu yahay sidii Deegaankaasi gacanta Dowlada u soo gali lahaa shabaabkana looga saari lahaa.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidanka xoogga dalka uu dhowr jiho kaa wajahan yahay Magaalada Janaale qorshuhuna uu yahay sidii gudaha ay ugu li lahaayeen Janaale oo Al-Shabaab looga saari lahaa.
Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in duhurnimadii Maanta ay ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM madaafiic ku gareeceen deegaanka Janaale ee gobolka shabeellada Hoose.
Sida ay Baahisay Warbaahinta gudaha Soomaaliya ilaa shan qof oo shacab ah ayaa ku dhintay Janaale waxaana ku dhaamacmay ilaa 11 qof oo kale wararkii ugu danbeeyay ayaana sheegaya in dagaalameyaasha AL-shabaab ay 11 sano kadib isga baxeen deegaanka Janaale oo ay ku lahaayeen saldhigyo waa weyn.
Wararkayaga danbe ayaad kaga bogan doontaan faahfaahinada la xiriira Xaalada degeenka Janaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here