DHAGEYSO:Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo booqanaya deegaano Galmudug ka mid ah

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Barlamaanka Fedraalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirka diinta iyo awqaafta XFS Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xassan & Wasiirka Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Magaalada Xeraale ee gobolka Galgaduud halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyey.
Maamulka Magaaladaasi iyo qaybaha bulshadaoo ayaa sheegay inay wafdigaan Soo dhawanayaan sidoo kalena ay ku faraxsan yihiin booqashada ay ugu imaadeen deegaano iyo degmooyin kalena ay booqan doonaan mudada ay ku sugan yihiin Galmudug.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya qaybna ka ahaa wafdiga Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaguna halkaas waxay ka Jeediyeen hadalo.

Wasiirka diinta iyo awqaafta XFS Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xassan & gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa dhankooda sheegay inay Magaalada Xeraale ee ay booqdeen ay qabto baahiyo kale duwan sidaas darteedna ay ku dadaalayaan in Magaaladaas laga hirgaliyo duqsiyada sare Jamacad iyo xarumo caafimaad sidoo kale dowlada dhexe ayuu gudoomiye Mahad Cawad uga mahadceliyay dadaalkii ay ku bixisay dib u heshiisiinta dadka walala ah ee halkaas ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here