DHAGEYSO:Gudoomiye Shuute oo ka digay xariga Sharci darada ah

Gudoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sidda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa si weyn uga digay in mas’uuliyiinta iyo taliyeyaasha Ciidanka ay dadka aysan marsiin baaritaano ku heystaan xabsiyadda.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay qof walba oo uu soo xiro hoggaanka baarista in si deg deg ah loo geeyo Xeerilaalinta iyo Sidoo kale Maxkamaddaha si loogu aqoonsado in uu yahay eedeysane haddii Maxkamaddu ogolaato.
Waxaa uu xusay in qof walba oo Hay’addaha Ammaanka soo xiraan oo la horgeeyo si deg deg ah Maxkamaddaha iyo xeerilaalinta in uu xarigiiso noqon doono Mid Sharci ah.
Waxaa uu tilamaamay in qof walba oo lasoo xiro oo aan la horgeyn Maxkamadaha iyo sidoo kale xeerilaalinta in loo aqoonsan doono qof Afduuban, islamarkaana loo aqoonsan doono in uu u afduuban yahay Mas’uulka meesha uu ku xiran yahay.

waxaa uu soo jeediyay dhammaan Hay’addaha baarista ilaalinta Sharciga iyo in Muwaadiniinta lasoo xiro lagu sii heyn karo go’aan Maxkamaddeed oo kaliyah.
Dhinaca kale waxaa uu si kulul uga hadlay falalka dambiyada ah ee aan la dabagalin isaga oo tusaale u soo qaatey dilkii loo gaystay allah ha u naxariiste gudoomiyihii gobolka Banaadir oo sanad ka hor qarax lagu dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here