DHAGEYSO:Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo sheegay in awood loo sheegtay.

Guddoomiyihii Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Xildhibaannada Maamulkaas ay maalmo ka Hor sheegeen inay xilkii ka qaadeen Cabdi Xakiin Dhoobo-Daareed ayaa ka hadlay sababtii keentay Talaabadaas isaga ka dhanka ahayd.
Waxa uu Xusay inuu leeyahay Mustaqbal siyaasadeed,uusana doonayn inuu Sumcadiisa Haleeyao sidoo kalena uu diyaar u yahay inuu dadka Reer Puntland si sax ah ugu Shaqeeyo,hayeeshee ay taasi diideen Madaxda Hoggaamisa maamulka Puntland.
Waxa uu sheegay in lagu tari falay,dhaqaalihii iyo midnimadii Puntland, markii uu arintaas diidayna ay bilaabatay in la isku awood sheegto,waxaana uu sheegay in Puntland ay xilligaan u baahan tahay badbaado sida uu xusay.

Hadalkan ayaa waxaa uu sheegay Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin dhoobo-daareed kulan uu Maanta la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Xingalool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here