DHAGEYSO:Gudoonka Baarlamaanka Galmudug oo la doortay.

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka dhacday doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee Maamulkaasi oo ay ku tartameen laba musharax kadib markii midkii Sadexaad uu loolanka isaga haray.
Doorashada oo aad u adkayd ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Dr Maxamed Nuur Gacal & Xildhibaan Cabdi Naasir Aadan Cismaan,waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee maamulka Galmudug loo doortey Xildhibaan Dr Maxamed Nuur Gacal.
Ka hor doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa tartanka isaga harey Cabdullaahi Axmed Calasow oo kamid ahaa sadexda musharax ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug isu soo sharaxay.
Guddiga KMG ah ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa shaaciyey in Dr Maxamed Nuur Gacal uu ku guulaystay gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas kadib markii uu helay 54 cod halka Cabdi Naasir Aadan Cismaan uu helay 34 Cod, hal cod ayaa xumaaday,waxaana codeeyey 89-ka Xildhibaan ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka maamulka Galmudug sida uu ku dhawaqaay gudoomiyihii KMG ahaa ee baarlamaanka Maamulka galmudug.

Xildhibaan Cabdi Naasir Aadan oo ah sahqsigii laga guulaystay ayaa u hanbalyeeyay gudoomiyaha cusub isagoo sidoo kalena balan qaaday inay si wanaagsan ula shaqayn doono.

Waxaa isla goobta lagu dhaariyay gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug sidoo kale wuxuu u mahadceliyay dhamaan qaybaha kala duwan ee madasha ka soo qayb galay iyo qaban qaabiyeyaashii doorashada ka qayb qaatay.

Intii aysan saaka bilaaban doorashada Waxaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasuley u tartamida xilka gudoomiyaha Baarlamaanka galmudug Cabdullaahi Axmed Calasow oo kamid ahaa musharixiinta.
Musharaxa oo Goobta doorashada ka hadley ayaa sheegay inuu gebi ahaan isaga harey tartanka guddoonka sababo isaga u gaar ah oo uusan halkaas ka cadeyn.
Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug maanta loo doortay Maxamed Nuur Gacal wuxuu Sanadkii 1966, ku dhashay Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud
1987, ayuu Dugsiga Sare kaga baxay magaalada Muqdisho
1988, wuxuu qaatay Diblooma heer dhexe_ Machadka maamulka & maareynta Jaamacadda Carabta Ee Magaalada Muqdisho
1995, ayuu shahaadada 1-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umudurmaan ee dalka Sudaan
1999, ayuu ka qaatay Diblooma sare, Machadka maareynta masibooyinka ee Jaamacadda Caalamigaa ee Afrika
Sanadkii 2000, Ayuu Dibloomada Sare ee Qaanuunka Guud ah ka qaatay Jaamacdda Al-neeleyn/Sudaan.
2001, Ayuu Shahaadada 2-Aad ee maareynta Masiibooyinka ah ka qaatay Jaamacadda Caalimga ah ee afrika
2008, ayuu shahaadada 3-aad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umul darmaan ee Dalka Sudan.
Dhinaca shaqada gudoomiyaha cusub ee baarlamanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal Wuxu kasoo shaqeeyay Jaamacadda Muqdisho, oo uu soo noqday hormuudka kuliyada sharciga
2013-2014 wuxuu ahaa wasiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya
2014-2016: wuxu soo noqday la taliye arrimaha dib u heshiisiinta Xafiiska Ra’isulwasaaraha Ugu danbeyntii Sanadkii na dhaafay ee 2019 kii ayuu xubin ka noqday guddiga dib u heshiisiinta DGGM, iyadoo Maanta loo doortey Guddoomiyaha Baarlamaanka isla MaamulkaGalmudug.
Kadib marka laga soo laabto Salaada Jimcaha ayaa dib markale loogu soo noqonayaa halka ay doorashadu ka dhacayso waxaana isla maanta la gudagalayaa doorashada Guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo labaad ee Baarlamaanka maamul Goboleedka Galmudug oo ay ku tartami doonana min laba musharax.
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Galmudug waxaa u taratamaya Saadaq Sheekh yuusuf & Cabdullaahi Xersi Maxamed,halka kuxigeenka labaad ay u tartamayaan ,Axmed Maxamed Maalin iyo faaddumo Cabdi Cali oo ah gabadha kali ah oo ka tirsan shaqsiyaadka doonaya inay gudoonka Baarlamaanka Galmudug ka mid noqdaan.
Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa aad looga dareemayaa doorashada,iyadoo Amniga guud ee Magaalada si aad ah loo adkeeyey,isla markaana lagu arkayo Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya oo si aad ah u ilaalinaya amaanka iyo dhaqdhaqaaqa Magaaladaasi iyo deegaanada kala ee ku heeran.
Xalay waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka dhacay kulamo kala duwan oo musharixiinta guddoonka Baarlamaanka Galmudug ay codadka ku weeydiisanayeen xildhibaanada,iyadoo Magaalada ay kusii qul qulayaan wufuud kala duwan oo doonaya inay goob joog ka noqdaan doorashada iyo Kuwa xilal doonaya inay Helaan.
Dadka saadaaliya arimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegaya in qofka maanta ku soo baxa gudoonka baarlamaanka Maamulka Galmudug uu sidoo kale Jihayn doono doorashada Madaxweynaha maamulkaasi taasoo sidoo kalena saamayn ku yeelan doonta doorashada qaran ee dhamaadka sanadkaan ka dhacaysa Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here