DHAGEYSO:Gudoonka Xildhibaanada uu digniin u diray Xildhibaanada

Gudoonka golaha shacabka Soomaaliya Xildhibaaanda baarlamaanka ka dalbaday inaysan fududaysan kulamada baarlamaanka gaar ahaan xiliyada ay codayntu jirto.
Ugu horayntii gudoonka golaha shacabka Soomaaliya ayaa xildhibaaanda u jeediyay digniin la xiriirta inaan laga maqnaan Karin Kulamada ama xildhibaankii intuu imaado laabta aan la ogolaanayn kuwaasoo mutaysanaya ganaaxyo gonooyinkooda la xiriira.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Akhrinta koowaad marsiiyay Heshiiska dhaxmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sidoo kale ka dooday Xeerka Asteynta kuraasta.
Wasiirka wasaarada qorshaynta,Maalgashiga iyo Hormarinta dhaqaalaha ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Ahna Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Jamaal Maxamed Xassan ayaa xildhibaanada Faahfaahin ka siiyay Heshiiska ay Xildhibaanada Akhrinta Koobaad Marsiiyeen dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya horay u wada Galeen.

Baarlamaanka Soomaaliya kama doodin heshiiskaan maadaama ay ahayd Akhrintiisa koobaad Gudoomiyaha golaha shacabka ayaana sheegay inuu baarlamaanku xaq u leeyhaya in Heshiiskii aysan dalka dan ugu jirin uu diido.

Xildhibaan Luthfi Shariif Maxamed ayaa dhanka kale Xildhibaanda u aqriyay qodobada Xeerka astaynta Kuraasta doorashooyinka oo ah kii ugu danbeeyay ee xeerarkii ay gudigu Soo diyaariyeen wuxuuna ka codsaday inay u codeeyaan, Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaana aragtidooda ka dhiibtay qodobada xeerkaan ku jira.

Gudoomiye Mursal ayaa intaas ka dib ka hadlay qodobada qaar ee xildibaanadu ku kala aragti duwan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here