DHAGEYSO:Gumooyaha gudiga doorashada madaxweynaha Galmudug oo la doortay.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa,iyagoo doortey Guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeenka Guddiga.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka galmudug Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa kuxigeen,waxaana Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxwaynaha Galmudug loo doortay Maxamed Xuseen Tahliil oo loo yaqaano Calool Geel halka Cabdiraxiin Axmed Cigaal isna loo doortay gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashada soo agaasimaya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal,gudoomiye ku xigeenka Koobaad Cabdullahi Xirsi Maxamuud iyo gudoomiye ku xigeenka labaad Faduma Cabdi Cali ayaa kadib markii gudoonka cod gacantaag ah lagu amsixiyay waxay xubnaha fareen inay shaqada loo igmaday guda galaan sida ugu hufana u gutaan.

Sida ay baahisay warbaahinta gudaha Soomaaliya Xildhibaanada Ahlusunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug ayaa ka soo horjeestay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ee Maanta lagu doortey Magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka lagu doortey gudoomiyaha iyo Ku xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaaanka Galmudug & labadiisa kuxigeen,waxaana sida la sheegay ka maqnaa Xildhibaannada Ahlusunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug.
Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaay sheegayaan inay Warbaahinta la hadli doonaan Xildhibaanada Ahlusunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug ,iyagoo qaarkood eedaymo u jeediyay dowladda Soomaaliya.
Tallaabada ay ku dhaqaaqeen Xildhibaannada Ahlusuna ugu jira Barlamaanka Galmudug ayaa daba socota xilli maalmihii la soo dhaafay ay hogaganka Ahlusunna loolan ugu jireen sidii ay ku heli lahaayeen guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug.
Xubnaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkooda oo uu xilkodu yahay mid KMG ah ayaa waxaay diyaarin doonaan jadwalka doorashada iyo sida ay ku dhici karto doorashada hogaanka ugu sareeya maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here