DHAGEYSO:Hadal haynta warbixinta BBI oo weli dalka ka jirto

Siyaasiyiinta dalka ayaa weli siyaabo kala duwan uga hadlaya warbixintii 27-kii bishii hore uu xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ku soo bandhigay guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Ilaa iyo hadda waxaa muuqata inaan lagu heshiin qaabka loo dhaqangelinayo qodobbada warbixinta ku xusan oo ay ka mid tahay in dalka uu yeesho ra’iisul wasaare baarlamaanka ka tirsan.
Qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ayaa doonaya in warbixinta dib loogu celiyo shacabka si ay aragtidooda uga dhiibtaan isbeddelada la doonayo halka kuwa kalena ay qabaan aragti taasi ka duwan.
Sido kale siyaasiyiinta taageersan kulankii iyo is gacan qabsigii sannadkii hore dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa doonaya in sida ugu dhaqsiyaha badan warbixintan loo dhaqangeliyo.
Siyaasiyiintan waxaa ka mid ah xildhibaanka baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Maina Kamanda.
Waxaa uu rumeysan yahay in warbixinta guddiga BBI oo si buuxda loo dhaqangeliyo ay awood siinayso waaxyaha iyo maamullada kala duwan ee dalka si loogu guulaysto la dagaalanka musuqmaasuqa.
Dhanka kale madaxda siyaasadeed ee taabacsan ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegaya inay hadda soo baxday in warbixintu ay tahay qaab sida ay hadalka u dhigayaan uu Raila Odinga ku doonayo inay ugu fududaato sidii uu talada dalka kula wareegi lahaa sannadka 2022-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here