DHAGEYSO:Hal qof oo ay biriq ama jac ku dishay Deegaanka Dadaab

Hal qof ayaa kudhintay midkale dhawac ayaa soo garay kadib markii xalay fiidkii jac kudhufatay reer degan inta udhaxaysay tulooyinka weelxaar iyo kuma xumaato ee oo kamid ah deganka Dadaab

Wiil 16 sano jir ah ayaa udhintay jacda halka walashii oo 10 jir ahna uu dhac culus soo garay

Dadkan oo kawada tirsan hal qoys ayaa ku jiray hal guri oo aqalka badiye ama aqal hoori ah waxayna markaas ka jirsanayeen roob

Qarkamid ah ehelka reerka ay dhibaatadu soo gartay ayaa idacada star uga waramay sida ay wax udhaceen marka hore waxaan wareysanay
Halimo Aden Farax oo wiilka dhintay ay hal guri kuwada jireen

Waxayna uwaran tay wariyaheena deganka Dadaab Mohamed Baaruud Hussein

Sidoo kale waxayn wareysi la yeelanay Ahmed Muhumed Gabay oo kamid ahaa dadkii ugu horeyay ee usoo gurmaday reerka darisna la ahaa

Usbucii hore ayay aheed markii gabar 11 bilood dhalan xerada qaxotiga ee Dhagahley ee isla deganka Dadaab ay biyaha roobka ogu galeen gurigoodo halkasna ay kudhimatay

Sidoo kale waxaa jira dad badan oo ku barakacay robabka mahigaanka ah ee kada ay xeryaha qaxotiga iyo qeybo kamid ah deganka dadaab sidoo kale waxaa hakad kujira gadiidka dadwaynaha madaama wadooyinka isku xira xeryaha qaxotiga iyo qeybo badan oo kamid ah deganka dadaab ay robabku jareen sidoo kale waxaa labo jibarmay qimaha lagu raaco gadiid kuwooda mari kara jidadkas ay biyuhu jifaan

Tusaale ahaan magalada Dadaab iyo xerada dhagahley oo masaafo ahaan isku jira 2KM waxaa horan baburta lagu raaci jiray 150 shilin ilaa 200 balse hada waxay gartay 1500 ilaa 2000 oo shilin taas oo aysan awoodin dadka intooda badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here