DHAGEYSO:Hannaanka dijitaalka ee diiwaanka booliska oo la soo bandhigay

Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ayaa maanta soo bandhigtay nidaam dijitaal ah oo lagu diiwaangelinaya howlaha booliska gaar ahaan diiwaanka loo yaqaano OB.
Nidaamkan ayaa lagu keydinayaa warbixinada dhacdooyinka booliska lagu soo wargeliyo.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in qaabka maanta la soo saaray uu fududeyn doono adeegyada ay booliska u fidiyaan shacabka.
Waxaa uu xusay inuu Meesha ka saari doono dib u dhaca ku yimaada baaritaanada lagu sameeyo dembiyada kala duwan iyadoo qiil laga dhigaya faayl ama gal lumay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here