DHAGEYSO:Haween loo xiray amar aysan hoggansamin oo xuriyadooda dib u helay

Kaddib markii shalay subax la arkay dad ka ganacsada kala iibsiga xoolaha oo ku shaqeeysanayo sayladdii laga guuray waxaa la xiray inta badan dadkii sayladaasi dib u furay.
Ciidamada amaanka ee deegaanka iyo dadkaas waxaa shalay dhex maray rabshado ka dhashay dib ugu shaqeeynta sayladii hore ee 22 bishaan uu maamulku ka raray in ariga lagu kala iibsado.
Dadka la xiray oo dumar u badnaa ayaa shalay galab la sii daayey kaddib markii la sheegay in laga wada hadlay sababta keentay in dadkaasi la soo xiro
Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo arrimaha bulshada Guriceel Cabdirisaaq Cabdullaahi Faarax oo u warramay Wariyaheena Cubeyd Xasan Maxamuud ayaa waxaa uu weydiiyay goor dhaweyd waxaa lagu xaliyey rabshadii ka dhalatay dib ugu shaqeeynta sayladdii hore

Dadkii la sii daayey iyo kuwo kale oo iyagana raba in ay ku shaqeeystaan meeshii hore ayaa idaacaddu ay la hadashay waxaana ay sheegeen in si aan wanaagsaneeN loola dhaqmay
Cadar Warsame oo ka mid ah haweenka ka shaqeeysta kala iibsiga ariga ayaa uu u sheegtay idaacadda Star FM in aysan aadin saaka suuqa cusub oo ay joogaan meeshii hore ayna ku tashanayaan iyadoo maamulka ku eedeeysan in ay rag iyo dumar shalay jir dil u geeysteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here