DHAGEYSO:Haweeney gabadh ka qaadday Guriceel oo lagu qabtay Muqdisho

Gabadh da’a ahaan lagu sheegay in ay jirto 15 sano ayaa shalay gelinkii danbe laga kaxeeystay oo diyaarad laga saaray garoonka diyaaradaha degmada Guriceel iyadoo laga dejiyey garoonka aadan cadde ee caasimadda soomaaliya ee Muqdisho.
Sida ay booliiska degmada sheegeen waxaa shalay 2-dii duhurnimo reerka gabadha weysan ay ciidamada ku wargeliyeen arrinkan.
Taliye ku xigeenka saldhigga booliiska Maxamad Maxamuud seerar oo u warramay Cubeyd Xasan Maxamuud ayaa noo sheegay in ay gacanta ku dhigeen gabdho u fududeeyey haweeneeyda gabadha ka qaadday Guriceel iyada iyo gabadhii ay qaaddayna lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here