DHAGEYSO:Haweenka oo dalbanaya in wax laga beddelo warbixinta BBI

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta haweenka ah ee dalka ayaa sheegay in aan la qaban karin afti wax looga beddelaya dastuurka wadanka u degsan iyadoo aan dib loo eegin warbixinta guddiga BBI.
Waxay sheegayaan in warbixintu ay u muuqato mid meesha ka saareysa guulihii ay dumarka ka gaareen dhanka hoggaanka iyo matalaadda.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Kirinyaga ee bartamaha dalka Wangui Ngirici iyo madax kale ayaa ku dooday in soo jeedinta BBI ee ah in aqalka sare ay ku biiraan 47 senatar oo haween ah aysan wax badan soo kordhinayn.
Siyaasiyiintan ayaa ku nuuxnuuxsaday inay khasab tahay in haweenka ay matalaad ku filan ku lahaadaan golaha qaran ee xeer-dejinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here