DHAGEYSO:Haweenka oo doonaya in warbixinta BBI ay xalliso sinnaan la’aanta jinsiyadeed

Haweenka siyaasiyiinta ah ee ka tirsan kooxda Embrace ee taageersan heshiiskii 2018-kii dhex maray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayaa dalbaday in warbixinta BBI ay xal u hesho sinnaanta dhanka jinsiyadda ee ilaa iyo hadda aan lagu guulaysan.
Waxay sheegeen inay lagama maarmaan tahay in haweenka ay fursad la mid ah ragga u helaan xilalka hogggaanka.
Barasaabka Ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru , xildhibaanadda deegaanka Likoni ee Mombasa Mishi Mboko iyo mas’uuliyiin kale ayaa xusay in hadii dastuurka wax laga beddelayo ay Khasab tahay in la kordhiyo qoondada siyaasadeed ee haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here