DHAGEYSO:Haweenka qaranka oo Xoolo iyo Raashin ku taageeray ciidamada Qalbka Sida

Ururka Haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa deeq xoolo iyo raashin isugu jirta oo ay ku taageerayaan ciidanka qalabka sida ku wareejiyay taliska ciidanka xoogga waxayna Balan qaadeen inay markasta garab taagaan doonaan ciidamada u dhaartay ilaalinta,dhulka,umada iyo sharka Soomaaliyeed.
Xirada Tababarada Ciidanka ee Generaalk Goordan ayay ururka haweenku gaadhiiyeen Taageeradooda uu isugu jirta Xoolo Nool oo Geel iyo ari ah,Raashinka Qaybihiisa kala duwan Cabitaano iyo Gabyo kale oo ciidanka ay ugu tala Galeen.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sh Axmed Gaballe oo saadkaan ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ayagoo wakiil ka ah guud ahaan dumarka Soomaaliyeed ay u garteen ciidanka inay Sahaydaan gaadhsiiyaan ayna bogaadinayaan Howlgalada Ciidanka Xooggu ka wadaan deegaanada wali ay ku sugan yihiin Kooxaha nabada diidan.

Taliyaha Ciidamada dhulka dowlada Soomaaliya Generaalm C/xamiid Maxamed Dirir oo lag wareegay sahayndaan kaga timid ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay guud ahaan haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka haweenka qaranka Dadaalkooda iyo sida ay markasta u Garab taagan yihiin ciidamada Xoogga dalka,isagoo hoosta ka xariiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidanka Xoogga Dalku ku xorayn doonaaan deeganada ay ku sugan yihiin AL-shabaab.

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa wada ololeyaal kala duwan oo ciidanka qaranka ee dagaalka ku jira lagu Taageerayo waxayna dhowr mar oo hore ay sidaan oo kale Ciidamada ugu wareejiyeen Sahay kala duwan oo ay ka taageerayeen.
Dhanka kale wasiirka wasaarda difaaca Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka lugta ayaa bogaadiyay Ciidanka Gorgor oo guutadiisa 5 –aad shalay Tababar loogu soo xidhay Xerada layliga Ciidanka TurkSom ee Magaalada Muqdisho waxayna Tilmaameen in wadankasta Jiritaankiisa lagu qaymeeyo awoodiisa Ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here