Dhageyso:Haweenka qaranka Soomaaiyeed oo soo dhaweeyay ansixinta Ra’isulwasaaraha Cusub

Ururka Haweenka qaranka Soomaaliyeed aragtidooda ka dhiibtay sida ay u arkaan ansixinta golaha shacabka ee Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Uruka haweenka qaran Soomaaliyeed waxay soo dhaweeyeen Ra’isulwasaaraha Cusub ayagoo ka codsaday inuu il gaar ah ku eego arimaha Haweenka,dhalinyarada,Caruurta iyo guud ahaan dadka Nugul sidoo kalena u balan qaaday inay si buuxda ula shaqayn doonaan.

 

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan waxaa uu Magaalada Muqdisho kula qaatay Guddoomiyaha iyo Gudddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Barlamaanka Fedralaka Soomaaliya.
Kulanka ayaa ahaa mid uu Ra’iisul Wasaaraha Cusub uga mahad celinayay doorkii ay Guddoonka Golaha Shacabku ka qaateen ansixintiisa iyo wada-shaqeynta laga sugayo xukuumadda uu soo Magacaabi doono iyo Golaha Shacabka.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Cusub waxaay ugu hambalyeeyeen xilka loo igmaday, iyagoo ugu baaqay inuu ka Shaqeeyo arrmo dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida Amniga doorashooyinka iyo dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada Cusub, iyadoo ay jiraan qaar kamid ah Golihii hore ee xukuumadii Xassan Cali Kheyre iyo Xubno kale oo dadaal ugu jira kamid noqoshada Xukuumadda Cusub ee hada la soo dhisayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here