DHAGEYSO:Haweenka siyaasada Soomaaliya ku jira oo Qado sharaf Loogu sameeyay dhuusamareeb

Haweenka siyaasadda Soomaaliya ku jira ee ka qeyb galay shirkii Magaalada Dhuusamareeb ayaa xaflad sagootin qado sharaf ah waxaa loogu Sameeyay meel duleedka ka ah Caasimada Maamulka Galmudug ee dhuusamareeb taasoo ay soo agaasimeen hogaanka Haweenka Magaalada Dhuusamareeb.
Haweenka Munaasabadaan lagu Casuumay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha gudiga madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ibraahim Xaliima Yareey,Senetor Jawaahir Axmed Cilmi oo aqalka Sare ka tirsan,gudoomiyah Gudiga haweenka labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya Ubax Xuseen dhiblaawe,wasiirka Haweenka Galmudug Amina Maxamed Mursal,Taliyaha Arimaha Haweenka ee Madaxweynaha koonfur Galbeed iyo xubno kale oo ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ee gobolada kala duwan uga yimid ka qayb galka shirkii Maalin ka hor u soo dhamaaday Madaxda Soomaalida.
Munaasabadaan ayaa looga hadlayay doorka Haweenka iyo sidii ay uga muuqan lahaayeen dhanka siyaasada waxaana dhamaan Haweenkii ka qaybgalay ay sheegeen inay markasta ka Shaqaynayaan isku keenista umada Soomaaliyeed ayagoo dhanka kale markasta dadaal u galaya helida xaquuqda siyaasiga ee dumarka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here