DHAGEYSO:Haweenka Soomaaliya oo lagala Shiray ariamaha Dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka iyo gudiga Madaxa banaan ee hirgalinta iyo la socodka Dastuurka Soomaaliya ayaa waxay Haweenka gobolka Banaadir kala hadleen arrimaha qabyo tirka Dastuurka waxayna ku booriyeen inay kaalintooda ka qaataan.
Gudoomiyaha gudiga Dastuurka ee labada aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo wasiirka wasaarada Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa labaduba sheegay in loo baahan yahay inay dumarka Soomaaliyeed midoobaan meeshana laga saaro caqabadaha dhexdooda ah si ay howlaha Dastuurka iyo dhamaan shaqooyinka kale ee Qarankaba ay qayb mugleh uga qaataan.

 

Gudoomiye ku xigeenka gudiga Dastuurka Muunina Sh Cumar ayaa haweenka waxay dhankeeda ku dhiiro galisay inay ka dhexmuuqdaan dadaalada Dastuurka Soomaaliya lagu qabya Tirayo.

Gudoomiyeyaasha haweenka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in dhamaystirka Dastuurka ay tahay wax muhiim ah oo la doonayo in cidkasta ay Kalinteeda ka qaadato ayadoo haweenkana la cadaynayo awoodooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here