DHAGEYSO:Hay’ada Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo faahfaahisay Xayiraada duulimaadka gudaha

Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo Saaka la hadlay idaacada dowlada Soomaaliya ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in aan la joojin diyaaradaha sida waxyaabaha quutul daruuriga ah ee shacabku u baahan yihiin balse gabi ahaanba la joojiyaya duuliyaada rakaabka ah ee isaga kala goosha gobolada dalka Soomaaliya.
Maareeyaha ayaa sheegay in kadib markii la joojiyay duulimaadyadii caalamiga ahaa dadka dhanka soohdimaha ay dalka Soomaaliya ka soo galayaan kadibna ay isticmaalayaan Diyaaradaha gudaha taasoo ay u arkeen inay qayb ka tahay faafitaanka Cudurka Covid 19 oo Soomaaliya gudaheeda ilaa sadex qof lagu arkay.
Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan wuxuu sheegay in daawooyin cunada iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah la ogol yahay balse aan la ogolayn isu socodka gudaha iyo dibada intaba laga bilaabo saqda dhexe ee Caawa.

Waxaa saqda dhexe ee Caawa lagu wadaa inuu dhaqan galo go’aankii ay shalay soo saartay dawladda Soomaaliya, ee ay ku joojisay guuda ahaan duullimaadyadii gudaha.
Dowladda ayaa go’aankeeda waxay ku sheegtay inuu qeyb ka yahay dadaallada ay ku doonayso inay ku xakamayso fayraska corona ee dunida ku sii baahaya.
Go’aanka dowladda ayey tahay in lagu fuliyo wax ka yar 24 saacadood taas dadka qaarkiis sheegeen inay dhibaato ku keeni karta dadkii markii hore safarradooda sii qorshaystay iyo shirkadaha diyaaradaha, wasiirka wasaarada gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaana sheegay inay ku dedaalayaan badqabka dadka ay mas’uulka ka yihiin.
Duullimaadyada gudaha ee Soomaaliya ayaa dad badan oo ah inta awoodda waxaay u sahleen inay si fudud ugu kala gooshaan magaalooyinka gudaha dalka iyo gobolada kala duwan, maadaama inta badan waddooyinka dalka Soomaaliya ay burbursan yihiin, meelaha qaarna aan ammaankooda la isku halayn karin.
Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowlada Soomaaliya ayaa maanta ku wareejisay qalab loogu talo galay ka hortaga Cudurka CoronaVirus Maamulka Gobolka Banadir iyo Maamul Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.
Qalabka ayaa waxaa Dawladda Soomaaliya ugu deeqay maalqabeenka u dhashay dalka Shiinaha oo Mamula Shirkadda Alibaba Foundation.
Sidoo kale Maalinta beri ah ayaa la filayaa in qalabkaan la gaarsiiyo Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.
Dhawaan ayay ahayd markii Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda fedraalka Soomaaliya ay qalabkaan loogu talo galay ka hortaga Coronavirus ku wareejisey maamulada Punland iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here