DHAGEYSO:Hay’ada Duulista Soomaaliya oo ka hadashay Diyaaradaha Kismanayo aadaya.

Hay’ada duulista hawada Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamtay warar maalmahaan warbaahintu baahinaysay oo sheegayay inay Hay’Adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed mudo Saddex Cisho ah ay joojisay duulimaadyada aadaya Magalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin warqad rasmi ah oo ka soo baxday dowlada Soomaaliya taasoo lagu joojiyay duulimaayada aada Magaalada Kismaayo.
Wuxuu sheegay in kaliya Shirkadaha Diyaaradaha la faray inay duulimaadkooda Kismaayo Hay’adda kusoo wargeliyaan 24 Saacadood ka hor,isla markaana Sharcigaas uu yahay mid Aduunka oo dhan looga dhaqmo.
Waxa uu Tilmaamay inaysan wax xayiraada ah saarneyn duulimaadyada aada Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

 

Warkaan kasoo yeeray Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin ayaa kusoo aadaya xilli todobadkaan inuu Garoonka Diyaaradaha Adan Cade loo diiday inuu ka duulo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed taasoo ay hadal hayn badan ka dhalatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here