DHAGEYSO:Hay’ada Socdaalka Soomaaliya oo Xarun labaad ka Hirgalisay Magaalada Muqdisho

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Col Maxamed Aadan Jimcaale {Koofi} ayaa Maanta Xariga ka Jaray Xarunta Cusub ee labaad oo ay Magaalada Muqdisho ku yeelanayso hay’adu si loo fududeeyo bixinta iyo Helitaanka Baasaboorka Soomaaliga.
Agaasime Koofi ayaa faah-faahin ka bixiyay muhiimadda ay bulshada Soomaaliyeed u leedahay xarunta labaad ee bixinta Baasaboorka oo laga hirgaliyay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir taasoo u adeegi doonta ilaa sideed degmo oo Caasimada ku yaala markii horena safar dheer u soo gali Jiray Xaruntii Hore ee bixinta Baasaboorka.

Gudoomiyaha gobolka banaadir ayaa isna dhankiisa bogaadiyay furitaanka Xaruntaan wuxuuna sheegay inay tahay mid muhiimada gaara leh.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} oo ka hadlayay goobta ayaa bogaadiya in hay’addu ballaarisay goobaha loogu adeegayo bulshada wuxuuna balan qaaday in sidaan oo kale loo balaadhin doono xarunta danbi baarista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here