DHAGEYSO:Hay’adda DRC oo agab looga hor tagaya COVID19 gaysay Mandera

Golaha qaxootiga ee dalka Denmark ee DRC oo fulinaya barnaamij ka mid ah kuwa shacabka looga badbaadinayo cudurka COVID19 ayaa agab gaarsiiyay Mandera.
Waxaa arrinkan iska kaashanaya wakaaladda horumarka caalamiga ee DANIDA iyo dowladda ismaamulka Mandera.
Mandera ayaa xariga looga jaray barnaamijkan oo qoysaska loogu qeybinayo waxyaabaha nadaafadda lagu xoojiyo sida saabuunno dhan 8000, maaskaro ama afxir ah 8000 oo xabbo , 1000 ah gacma nadiifiyaha loo yaqaano sanitizer ,59 xarumood oo loogu talagalay gacma dhaqashada iyo 36 ah marada laga sameeyo maaskarada.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee dowladda ismaamulka Mandera u qaabilsan dhanka warbaahinta ayaa lagu sheegay in qalabkan la qaybiyay ay ka faaiidaysanayaan shacabka ku nool deeganada bariga Mandera, Banisa iyo waqooyiga ismaamulkaas oo uu saameeyay cudurka COVID19 dhanka kalena aan lahayn awood ay ku iibsadaan waxyaabaha muhiimka u ah la dagaalanka coronavirus.
Cabdi Maxamad Cabdi oo ka mid ah mas’uuliyiinta agabkan muhiimka ah gaarsiiyay Mandera ayaa faahfaahin ka bixiyay taageerada ay Mandera geeyeen.

Abukar sheekh Maxamad oo ku hadlay afka wasaaradda caafimaadka ee Mandera ayaa DRC iyo DANIDA uga mahadceliyay agabka ay ugu deeqeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here