DHAGEYSO:Hirshabeelle oo howlgalo amaan qaadaysa

Ciidamada Milatariga Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa ka booliska Maamulka Hir-Shabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaay howlgallo ka wadaan degaano hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna la wareegeen Tuulada Basra oo ay horay gacanta ugu hayeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in u jeedka howlgalaladaan ay yihiin sidii loo xaqiijin lahaa Amniga wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya iyo Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle ka hor inta aan la guda gelin doorashooyinka Maamulka Hir-Shabaab.
Wasiirka oo la hadlay Idaacadda Voa-da ayaa wuxuu sheegay in Xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo culeys ciidan laga soo saaray Gobolka Shabeellaha Hoose aawgiis ay soo buux dhaafiyeen degaannada Hir-Shabeelle gaar ahaan kuwa ku dhow dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Hoose.
Wasiirku wuxuu intaas ku daray in howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda, sidoo kalena degaannada ay Ciidamada Dowladda la wareegeen ay sii joogi doonaan si degaannada kale looga saaro dagaalameyaasha Shabaabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here