DHAGEYSO:Hogaamiyaha Ahlusuna oo sheegay inay hubkooda soo qaadanayaan

Hoggaamiyaha Guud ee Ahlusunna Wal-Jamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa sheegay in waxa haatan ka socda deegaannada Galmudug aysan aheyn wax loo dul qaadan karo sida uu hadalkiisa ku sheegay.
Isagoo qaar kamid ah taageerayaasha Hoggaanka Ahlusunna kula hadlayay Magaalada Dhuusmareeb ayuu soo hadal qaaday xayiraad muddo kooban shalay la saarey Qaar kamid ah Odayaal iyo Waxgarad kasoo baxey degmada Guriceel kuna wajahnaa Dhuusamareeb,waxaana uu sheegay in hadii ay hub wadan lahaayeen aan la celiyeen sida uu tilmaamay.

Hadalka Hoggaamiyaha Guud ee Ahlusunna Wal-Jamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu jiro khilaaf xoogan oo kala dhaxeeyo Dowladda federaalka Soomaaliya,kaasoo ka dhashay doorashadii ka dhacdey Dhuusamareeb ee lagu soo dhisay Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here