DHAGEYSO:Hogaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland oo ka wada hadlay colaadaha gobolka Mudug

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland saciid Cabdullaahi Deni ayaa hadlay dagaalkii dhawaan Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug ku dhex-maray duleedka Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka mudug.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dadka fal dambiyeedyada ka sameeynaya deegaannada Gobolka Mudug ay Puntland diyaar u tahay inay xakameyso dhinaceeda,isla markaana dadkaasi lagula xisaabtamayo falalka amniga iyo daganaanshaha deegaanka lidka ku aha ee ay ku howlanyihiin.
Madaxweyne Deni ayaa Tilmaamay in magaalada Gaalkacyo uu ka socdo dadaal mugleh oo lagu xaqiijinayo Amniga iyo xasiloonida Gaalkacyo ayna iska kaashanayaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Ugu dambeyn Hogaamiye Puntland waxaa uu sheegay in xiisada ka taagan duleedka Galbeed ee Magaalada gaalkacyo iyo dagaalkii dhacay ay wada-hadallo dhinaca qadka taleefonka ah ka yeesheen,isaga iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) isagoo dhanka kale Bogaadiyay tadaalo arintaan xal looga gaarayo oo uu sheegay inay ku howlan yihiin madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Xaaf iyo Senetor qaybdiid oo ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here