DHAGEYSO:Hogaamiyeyaasha Maamulada Soomaaliya oo shir uu Maanta kaga furmayo Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa waxaa Xalay ku hoyday shanta Hogaamiye ee Maamul goboleedyada dalka Soomaaliya waxaana Jimcada Maanta ah halkaas kaga furmay shir wadatashi ah.
Shalay ayuu qorsuhu ahaa inuu shirkaasi Furmo,hayeeshee dib ayuu dhacay sababo la xiriira Madaxda Maamul goboleedyada oo waqtigii loo baahnaa aanan tegin Magaalada Dhuusamareeb,balse dhamaantood ay haatan ku wada sugan yihiin halkaas.
Shirkan oo uu martigelinayo madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay maalma kahor waxaa lagu sheegay inuu yahay shir degdeg ah oo looga arrinsanayo doorashooyinka, maadaama Soomaaliya ay haatan ku jirta xaalad siyaasadeed oo doorasho, guddiga doorashooyinkana ay baarlamaanka kahor sheegeen inaysan xilligan qaban karin doorasho qof iyo cod ah, ayna u baahan yihiin wakhti dheeraad ah si ay u qabtaan hawsha dhiman.
Maamul goboleedyada ayaa la aaminsan yahay inay doonayaan in laga tal-geliyo arrimaha doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya,waxaana ka hor shirkaan Maamul Goboleedyada qaarkood Qaadaceen shirkii kale ee Wada tashiga ahaa oo Madaxweyne Farmajao isugu Yeeray,in kastoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre uu sheegay in doorashada soo socota ay waqtigeeda ku dhaceyso,isla markaana hadalkaas uu ku raacay Madaxweyne Farmaajo.
Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntlandna ayuusan xiriir wanaagsan kala dhaxeynin dowladda federaalka, waxaana la saadaalinayaa in shirkan looga hadli doonaa sidii loo dhameyn lahaa khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka, maadaama inta badan waxyaabaha y isku hayaanay yihiin arrimo siyaasadeed.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay Madaxda kale ee Maamulada ku booqday halka ay Magaalada Dhuusamareeb ka dagan yihiin wuxuuna sheegay inuu rajaynayo guul in shirkaas ku soo dhamaado isgoo dhuusamareeb ku soo dhaweeyay dhamaan madaxda kale ee Maamul goboleedyada.

Madaxweyneyaasha Maamulada Koonfur Galbeed,puntland iyo Jubaland oo dhamaantood halkaas shalay gaaray ayaa ka mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay waxayna dhankooda sheegeen inay shirka wax wanaagsan ka filayaan in laga soo saaro.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo ay wataan Madaxda Dowlad Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here