DHAGEYSO:Hogaamiyeyaasha Soomaalida oo ka hadlay shirkii shalay uga Furmay Jabuuti

Waxaa Magaalada jabuuti ee dalka DJabuuti kusoo xirmay maalintii koowaad ee furitaanka wadahadalka u dhaxeeya dhinacyada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.
War murtiyeed ay soo saartay dowladda Djibouti ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in guddiyo farsamo ay sii ambaqaadaan wadahadallada, kuwaasoo ka sii socon doona dalka Jamhuuriyada Djibouti.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Fedraalka iyo dib u heshiisiinta dowlada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Soomaaliland ay shirka kusoo bandhigeen tabashooyin ay qabaan laga soo bilaabo sanadkii 1960 xiligaas oo gobolada Waqooyi iyo Koonfureed ee dalka Soomaaliya ay xornimada qaateen sidoo kalena ay wada dhisteen dowladii Soomaaliyeed ee ugu horaysay.
Waxaa uu sheegay in sida uu u qabsoomay shirkaasi uu ahaa mid ka duwan kuwii hore,isla markaana isku soo dhaweynaya Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland Si xal looga gaaro waxyaabaha la isku haayo.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon ayaa sheegay in u jeedada shirka uu ahaa in laga wada hadlo waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac in ka badan 30 Sano iyo wada-hadallo horay loo galay oo wixii kasoo baxay aysan qabsoomin.
Waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay qabto in Soomaaliya iyo Soomaalland ay noqdaan laba dal oo kala madax banaan,hayeeshee Dowladda Soomaaliya ay ka war wargeeyso talabadaasi.

Wasiiradaan ayaa la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA’da waxayna Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland ayaa noqon doona kuwa sii socda si xal looga gaaro kala aragti duwanaanta u dhexaysa labada dhinac,waxaana Madaxweynayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ay Magacaabi doonaan Guddiyo farsamo oo ka Shaqeeya sii socoshada wadahadalladaan.
War-murtiyeedka shirka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Iyadoo shirkaan uu ku yimid dadaalo uu garwadeen ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, sidoo kalena ay qayb ka ahaayeen hogaamiyeyaasha Soomaaliya,Soomaaliland iyo Ethopia ay suuro gashay inay kulankaasi yeeshaan dhanacyadaan.
Waxaa kulan wadatashi ah lagu qabtay caasimadda Jabuuti bishan 14ka Juun 2020 si gacan looga geysto sidii hoggamiyeyaasha DFS iyo Somaliland ay dib ugu sii ambaqaadi lahaayeen wadahadalladii iyo xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Hoggaamiyeyaasha ayaa garawsan muhiimadda doorkii Jabuuti ay ku leedahay dadaallada nabad dhisidda iyo nabad ku soo dabaalidda gobolka,Ka hor inta aan la iskugu imaan kulankan taariikhiga ah, waxaa hore u soo qabsoomay dhowr wadaxaajood oo natiijooyin badani aanay ka soo bixin.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland waxay isla garteen in guddi farsamo oo ka kooban labada wafdi ay sii ambaqaadaan wadahadallada u dhexeeya labada dhinac, isla markaasna ay ka sii shaqeeyaan arrimaha wali dhiman ee la isla qaatay.Kulanka ayaa sidoo kale soo jeediyay in Jabuuti ay noqoto madasha shirarka farsamo ee labada dhinac.
Waxaa lagama maarmaan ah in danta labada bulsho ay udub dhexaad u noqoto hanaankan wadahadal.
Kulankani wuxuu ku boorrinayaa dhammaan gobolka, qaaradda iyo hey’addaha caalamiga ah inay taageeradooda u muujiyaan hannaankan.Kulanka ayaa ku qabsoomay Jabuuti14 June, 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here