DHAGEYSO:Hogaamiyeyaashii Hore ee Soomaaliya oo sheegay inaysan aqbalayn doorasho aan xalaal ahayn oo Soomaaliya ka dhacda.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa ka hadlay arimo la xiriira Xaaladaha dalka Soomaaliya waxay sheegeen inay doonayaan dalka Soomaaliya inay ka dhacdo doorasha Xalaal ah oo qofka ku Guulaystay si cad loo ogayahay.
Sh Shariif Sh Axmed Madaxweynihii Hore ee dowladii KMG Soomaaliya oo hadaly markuu Kismaanyo Gaaray ayaa halkaas ka Jeediyay hadalo oo dowlada dhexe ee Soomaaliya ku dhaliilayay wuxuuna dhanka kale sheegay inaan la aqbali doonin in la Musuqmaasuqo doorashada Soomaaliya iyo mudo kororsi Samaystaan madaxda hada haysa xilka dalka ugu Saraya wallow aysan jirin Wali meel ay madaxda Soomaaliya ku sheegeen inay mudo kororsanayaan.
Sh Shariif ayaa sidoo Kale sheegay inuusan marnaba dalka Soomaaliya ka dhaqan Galayn Waxa uu ugu yeeray Nidaamka Kaligi Talisnimada ah.

 

Dhanka kale Madaxweynihii hore e Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud ayaa Sidaan oo kale asana sheegay inaysan aqbalayn dowlada dhexe inay isku koobto awooda dalka sida uu hadalkiisa u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here