DHAGEYSO:Hogaanada Booliska Soomaaliya oo kulan deg deg ah la isugu yeeray.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Maanta wuxuu furay shir looga hadlayo amniga guud ee dalka Soomaaliya iyo dib u habeyn lagu sameynayo Tayada Ciidanka ee qorshaha sanadkaan cusub ee 2020.
Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed,kuwa Maamul goboleedyada iyo Saraakiil kale,waxaana lagu qabtey Xarunta taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada muqdisho.
Taliye Booliska Soomaaliya wuxuu sheegay in ujeedka kulankaan uu yahay inay iska wareystaan halka uu marayo amniga guud ee dalka,dhibaatoyinka ay qabaan Ciidamada Booliska iyo caqabadaha kale ee jira.
Sidoo kale waxaa uu Taliyuhu xusay inay kulanka uga hadleen sidii Saraakiisha Ciidamada Booliska Dowladda iyo kuwa maamulada wadashaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen maadama amniga dalka Soomaaliya uusan xaduud laheyn.
Dhamaan saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayuu sheegay inay waajib ku tahay ilaalinta amniga iyo badqadbka Shacabka loona baahan yahay in mas’uuliyad la iska saaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here