DHAGEYSO:Hogaanka Xisbiyada Soomaaliland oo kulan yeeshay.

Waxaa Maanta markale kulan ku yeeshay Magaalada Hargaysa Madaxweynaha Somaliland, Muse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo hogaanka labada Xisbi Mucaarada ee Soomaaliland Wadani iyo UCID.
kulankii labaad oo maantaka dhacay madaxtooyada Soomaaliland ee Hargeysa ayna yeesheen Madaxweyne Biixi iyo Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland ee UCID iyo Waddani,Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa lagu heshiiyay mudada Kama Danbaysta ah ee lagu xalinayo khilaafaadkii jiray.
Markii uu kulanku soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani iyagoo sheegay in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa arimaha doorashooyinka Soomaaliland.

 

Kulamadaan is xig-xigay ee ay yeesheen Hogaanka Xisbiyada Muxaafidka iyo mucaaradka Soomaaliland ayaa ku soo beegmaya ayadoo Maalmihii la soo dhaafay uu taagnaa khilaaf ka dhashay doorashooyinka Soomaaliland iyo muddo kordhin loo sameeyey Golaha Guurtida iyo Wakiilada oo ay ka soo horjeesteen Xisbiyada Mucaaradka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here