DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha haweenka dalka oo taageray talo madaxweynaha loo soo jeediyay

Xildhibanada dumarka ee ka tirsan aqalka baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay talada madaxa cadalada David maraga uu u jeediyay madaxweyne Uhuru kenyatta
Haweenkan ayaa waxaa hoggaaminaysay wakiilka haweenka ee laga soo doorta ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga
Waxay ku amaaneen go’aanka geesinimada leh oo uu hoggaamiyaha dalka u soo jeediyay madaxa cadaaladda David Maraga.
Xildhibaanadda laga soo dorto deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa Mishi Juma Mboko ayaa dareenkeeda sidatan u muujisay

Madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga ayaa kula taliyay madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu kala diro baarlamaanka, sida waafaqsan qodobka 261 ee farqadiisa toddobaad ee dastuurka, maadaama ay ku guuldareysteen Xildhibanada inay soo saaraan sharci ku saabsan seddex meelood labo meel ee sharciga jinsiga.
Madaxa cadaalada ayaa sheegay in baarlamanka uusan u hoggansamin amarkii maxkamada sare ee dacwadii dastuurka nambarkeedu tahay 371 ee 2016-kii.
Halka baarlamanka uu mudda 9 sano ah aan meel marinin sharcidejinta la doonayo in lagu dhaqan galiyo sharciga jinsiyada ee saddex meelood laba meel oo maxkamadca racfaanka ay go’ankeeda ku sheegtay in baarlamanka ay ku guul dareysteen.
Maxada Cadaaladda ayaa xusay asaga oo eegaya daastuurka oo siinaya awooda uu madaxweyna kula talin karo in baarlamaanka la jabiyo.
Mr.Maraga ayaa sheegay inay tahay mas’uuliyadiisa dastuuriga ah inuu madaxweynaha la taliyo, haatana aan kula talinayo inuu aqalka baarlamanka qaran kala diro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here