DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha Murang’a oo dhaliilay xildhibaanadda deegaanka Kandara

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan kuwa ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka ayaa dhaliil u jeediyay xildhibaanadda deegaanka Kandara Alice Wahome oo hadal ay maalmo ka hor jeedisay la qoonsaday.
Qaar ka mid ah madaxda Muranga’a iyo mas’uuliyiin deegaano kale laga soo doortay ayaa Mrs. Wahome ka dalbaday inay raaligelin weydiisato madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxay sheegeen inay u gaftay madaxtooyada dalka looga arrimiyo.
Hoggaamiyaashan ayaa xildhibaanadda u sheegay in xita haddii ay qabto aragti siyaasadeed oo gaar ah ay dhanka kale qasab tahay inay qadarin u muujiso maamulka ugu sarreeya ee dalka.

Haweeneydan ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo ah madaxa mucaaradka ODM ku dhaliisay inaynan daacad ka ahayn warbixinta BBI.
Mr. Kenyatta ayay ku eedeysay inuu halis ku yahay dimuqaraadiyadda dalka.
Xilli ay shir jaraaid ku qabatay deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ayay Wahome hoosta ka xarriiqday in BBI ay tahay qorsho Uhuru iyo Raila ay ku doonayaan inayn xilal ku sii hayaan kaddib doorashada guud ee sannadka 2022-ka.
Waxay xildhibaanadda Kandara soo xigatay hadalo dhawaan ka soo yeeray guddoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga Jubilee David Murathe , xoghayaha guud ee ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli iyo Beth Mugo oo aqalka sare si magacaabid ah ku gashay.
Waxay dadkan iyaga ah tilmaameen in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu weli da’a ahaan yaryahay sidaas awgeedna uu xil qaran sii hayn karo.
Balse Alice Wahome ayaa qabto in hadaladaasi aan la fududeysan karin.
Waxay su’aal gelisay sababta madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uunan weli uga jawaabin hadalada ka soo yeeray shakhsiyaadka qaar ka mid ah ay aad isugu dhowyihiin.
Dadka soo dhaweeyay dareenka xildhibaanadda waxaa ka mid ah qareenkii dalka laga tarxiilay Miguna Miguna waxaana jiro qaar ka mid ah shacabka iyo siyaasiyiinta oo dareenkeeda mid ka duwan muujinaya.
Alice Wahome ayaa ka mid ah siyaasiyiinta taageersan ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto waxayna madax u tahay haweenka Inua Mama.
Francis Atwoli, xoghayaha guud ee COTU oo isagoo ku sugan ismaamulka Nakuru ka jawaabay hadalka iyo eedeynta uga timid xildhibaanadda deegaanka Kandara ayaa sheegay inaynan jirin cid isaga adeegsanaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here